R/wasaare Xamsa oo tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong, Ningxia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong oo ku taalla Gobolka Ismaamulka Ningxia Hui, kaas oo ah aag horumarineed oo muhiim ah, iyo mid ka mid ah xarumaha hormuudka u ah Shiinaha ee isbeddelka warshadaha iyo tamarta.

Booqashada ayaa ujeedkeedu ahaa in Soomaaliya ay ka sii faa’iideysato khibradda Ningxia ee ku saabsan sida ay u abuureen warshado kala-duwan oo tamarta dhaliya, horumarinta warshadaha, iyo u guurista tamarta nadiifta ah, iyadoo Soomaaliya ay sii waddo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay gobolka Ningxia in uu yahay tusaale wax ku ool ah oo ka tarjumaya sida horumarka warshadaha iyo tamarta loogu adeegsan karo siyaasad cad oo waara. Wuxuu xusay in casharrada iyo khibradaha laga dhaxli karo Ningxia ay Soomaaliya u furayaan waddooyin iskaashi oo muhiim ah, kuwaas oo lagu gaari karo horumar muuqda oo dhinacyada tamarta, warshadaha iyo dhaqaalaha ah.

“Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in ay dhisto waax tamareed oo casri ah, abuurto fursado warshadeed oo cusub, isla markaana ay dardar geliso shaqo abuurka dhallinyarada dalka oo ah laf-dhabarka mustaqbalka qaranka iyada oo kaashaneysa tignoolajiyadda horumarsan iyo maalgelinta shisheeye” ayuu yiri Rai’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles