R/wasaare Xamsa oo tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong, Ningxia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong oo ku taalla Gobolka Ismaamulka Ningxia Hui, kaas oo ah aag horumarineed oo muhiim ah, iyo mid ka mid ah xarumaha hormuudka u ah Shiinaha ee isbeddelka warshadaha iyo tamarta.

Booqashada ayaa ujeedkeedu ahaa in Soomaaliya ay ka sii faa’iideysato khibradda Ningxia ee ku saabsan sida ay u abuureen warshado kala-duwan oo tamarta dhaliya, horumarinta warshadaha, iyo u guurista tamarta nadiifta ah, iyadoo Soomaaliya ay sii waddo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay gobolka Ningxia in uu yahay tusaale wax ku ool ah oo ka tarjumaya sida horumarka warshadaha iyo tamarta loogu adeegsan karo siyaasad cad oo waara. Wuxuu xusay in casharrada iyo khibradaha laga dhaxli karo Ningxia ay Soomaaliya u furayaan waddooyin iskaashi oo muhiim ah, kuwaas oo lagu gaari karo horumar muuqda oo dhinacyada tamarta, warshadaha iyo dhaqaalaha ah.

“Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in ay dhisto waax tamareed oo casri ah, abuurto fursado warshadeed oo cusub, isla markaana ay dardar geliso shaqo abuurka dhallinyarada dalka oo ah laf-dhabarka mustaqbalka qaranka iyada oo kaashaneysa tignoolajiyadda horumarsan iyo maalgelinta shisheeye” ayuu yiri Rai’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles