Tuesday, May 13, 2025

Masar oo ka hor timid qorshaha Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa maanta magaalada Qaahira kula kulmay ra’iisul wasaaraha maamulka Falastiin, halkaas oo labada masuul ay si wada jir ah u diideen qorshaha Donald Trump ee ah in Mareykanka uu “la wareego” Gaza, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar,

Bayaanka ayaa lagu sheegay in kulanka dhexmaray Abdel Caati iyo Mohamed Mustafa ay ku nuux nuuxsadeen “muhiimadda ay leedahay in horay loogu socdo mashaariicda iyo barnaamijyada soo kabashada, qaadista burburka, iyo bixinta gargaarka bini’aadantinimo si xawli ah”.

Tani waxay u baahan tahay in la dhamaystiro “iyagoon Falastiiniyiintu ka bixin marinka Gaza, gaar ahaan ku dhegganaanshaha dhulkooda iyo diidmadooda inay ka baxaan”, ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayanaka ayaa intaas ku daray in wasiirka Masar uu ku nuux-nuux saday in Masar ay taageerto xuquuqda sharciga ah iyo xuquuqda lama taabtaanka ah ee dadka reer Falastiin, isagoo ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in lagu dadaalo sidii xal siyaasadeed oo joogto ah oo cadaalad ah looga gaari lahaa arrinta Falastiin iyadoo loo marayo xal u helida labada dal iyo dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 12/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa Hadaf keenun Waa Doorasho Qof iyo Cod Ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

DFS iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir...

Xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sacuudi Carabi

Qaar ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1446...

Maxaa looga hadli doonaa kulanka Golaha shacabka ee maanta?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii...

Ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta KGS oo weerar ku qaaday duleedka deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay

Ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles