Masar oo ka hor timid qorshaha Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa maanta magaalada Qaahira kula kulmay ra’iisul wasaaraha maamulka Falastiin, halkaas oo labada masuul ay si wada jir ah u diideen qorshaha Donald Trump ee ah in Mareykanka uu “la wareego” Gaza, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar,

Bayaanka ayaa lagu sheegay in kulanka dhexmaray Abdel Caati iyo Mohamed Mustafa ay ku nuux nuuxsadeen “muhiimadda ay leedahay in horay loogu socdo mashaariicda iyo barnaamijyada soo kabashada, qaadista burburka, iyo bixinta gargaarka bini’aadantinimo si xawli ah”.

Tani waxay u baahan tahay in la dhamaystiro “iyagoon Falastiiniyiintu ka bixin marinka Gaza, gaar ahaan ku dhegganaanshaha dhulkooda iyo diidmadooda inay ka baxaan”, ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayanaka ayaa intaas ku daray in wasiirka Masar uu ku nuux-nuux saday in Masar ay taageerto xuquuqda sharciga ah iyo xuquuqda lama taabtaanka ah ee dadka reer Falastiin, isagoo ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in lagu dadaalo sidii xal siyaasadeed oo joogto ah oo cadaalad ah looga gaari lahaa arrinta Falastiin iyadoo loo marayo xal u helida labada dal iyo dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles