Sunday, December 21, 2025

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo ay wehliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Xildhibaan Maxamed Cismaan Naastaro, iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta, Mudane Cismaan Macow, ayaa kormeer ku tagay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiintan ayaa u kuurgalay sida ay u socoto qaadashada kaarka codbixinta iyo diyaargarowga doorashooyinka goleyaasha deegaanka, iyaga oo sidoo kale shacabka degmada kala hadlay ahmiyadda ay leedahay wacyigelinta doorashooyinka iyo qaadashada kaarka codbixinta, maadaama ay tahay tallaabo muhiim u ah mustaqbalka dimuqraadiyadda dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS, Mudane Cali Xoosh, oo la hadlayay dadweynaha Degmada Kaaraan, ayaa xusay taariikhda gaarka ah ee degmada, isaga oo carrabka ku adkeeyey in qaadashada kaarka codbixintu ay laf-dhabar u tahay doorashada tooska ah ee Qof iyo Cod, taas oo muwaadiniintu si hufan, xor ah, una madaxbannaan ay ugu dooranayaan wakiilladooda goleyaasha deegaanka iyo hay’adaha sare ee qaranka.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in nidaamka doorashada Qof iyo Cod uu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo mas’uuliyadda hoggaanka la doorto.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirrada la socday iyo maamulka degmada ayaa booqday xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan, iyaga oo dadweynaha ku dhiirrigeliyey ka-qeybgalka doorashada iyo qaadashada kaararka codbixinta.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sidoo kale la fariistay, lana sheekeystay qaar ka mid ah shacabka degmada, si uu u dhageysto aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan geeddi-socodka doorashooyinka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (...

Wasiir Bashiir Goobe oo qiimeyn ku sameeyay Isbeddelka Cimilo ee Deegaannada Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ee XFS Bashiir...

Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka oo la dardaarmay howlwadeennada Doorashada

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Dhismo casri ah oo lagu soo kor-dhiyay xarunta Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles