Tuesday, August 11, 2026

Maxa Looga Hadlay Kulanka Golaha Aqalka Sare?

Waxaa maanta lagu wadaa in uu ka qabsoomo kulanka guud ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS), kaas oo lagu qabanayo Xarunta Aqalka Sare, waxaana senatorada lagu wargelinayay in ay maanta yimaadaan kulanka.

Kulankan ayaa ah mid muhiimad weyn u leh hannaanka sharci dejinta dalka, waxaana diiradda lagu saarayaa akhrinta labaad ee dhowr hindise-sharciyeed oo muhiim u ah maamulka maaliyadda iyo la-dagaallanka dambiyada dhaqaale.

Ajandaha kulanka ayaa waxaa ka mid ah:-

1. Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adaha Maaliyadda, kaas oo lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo kor u qaadidda hufnaanta hey’adaha maaliyadeed.

2. Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Canshuurta Dakhliga, si kor loogu qaado dakhliga gudaha loona hagaajiyo nidaamka canshuur ururinta.

3. Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Shirkadaha Caymiska, taas oo sal u ah xeerar lagu nidaaminayo shirkadaha caymiska dalka.

4. Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Lacag Dhaqista iyo Maalgelinta Argagixisada, si loo adkeeyo la-dagaallanka lacagaha sharci darrada ah iyo maalgelinta argagixisada.

5. Qodobo kale

Kulankan ayaa lagu wadaa in lagu dhiso xisaabtan iyo isla xisaabtan, islamarkaana uu hormuud u noqdo dib-u-habeynta sharciyada la xiriira dhaqaalaha iyo ammaanka dalka.

Golaha Aqalka Sare ayaa door muhiim ah ka qaadanaya xoojinta sharciga iyo dabagalka fulinta siyaasadaha dowladda, iyadoo fadhiyadooda noocan ah lagu go’aamiyo arrimo saameyn weyn ku leh mustaqbalka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles