Maxa looga hadlay shirka golaha Wasiirada Hirshabelle

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada kaas oo diirada lagu saaray arrimo dhowr ah.

Ugu horeyn waxaa hab-raaca dhaarinta la marsiiyey Wasiirada Wasaaraddaha cusub ee Howlaha Guud iyo Tamarta iyo Biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Kheyre ayaa Golaha uga warbixiyey howlgalka dabar-gooynta Khawaarijta waxana uu ka mahadceliyey kaalinta dadka deegaanka iyo ciidamada qalbka sida ee Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ku baacsanayo firxadka Khawaarijta.

Sidoo kale shirka ayaa lagu gorfeeyay saameeynta Roobka oo si weyn uga curtay deegaanada Dowladda Hirshabeelle kaas oo goobaha qaar saameyn ku yeeshay isku-socodka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdi ayaa faahfaafin ka bixiyey sida ay u socdaan mashaariicda sannadkan ee 2025.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa amray Wasiirka Caafimaadka baahinta Adeega Caafimaad iyo dardargelinta shaqadda Damal Caafimaad.

“Ma aqbali doono dayacaad shaqo, dhismaha jidadka uu hirgelin waayey ayuu shaqaddiisa maalin ka hor ku waayey Wasiirka Howlaha Guud. Isla-xisaabtan adag ayaa keeno shaqo-hufan.”

Gunaanudkii Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku baaqay in markale loo midoobo dagaalka argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles