Maxaa ka soo baxay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee Dalalka Ciidamada ku Taageera AUSSOM

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta soo xiray Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, qorshaha bixitaanka ciidamada ka tirsan Hawlgalka AUSSOM, dib u xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Khawaarijta, iyo sidii loo dardargelin lahaa dhismaha, tayeynta iyo casriyeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Shirka waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca, Taliye Ku-xigeennada Ciidamada, saaxiibbada beesha caalamka iyo khubaro sare oo militari, kuwaas oo is-weydaarsaday aragtiyo iyo talooyin la xiriira xoojinta iskaashiga amniga iyo taageerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, shirka ayaa laga soo saaray qodobo lagu xoojinayo amniga kuwaas oo dhaqangelintoodu ay door weyn ka qaadan doonaan xasilloonida iyo amniga dalka iyo guud ahaan gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles