Tuesday, January 13, 2026

Maxaa looga hadlay Kulanka Aqalka sare ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehelinayo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 13-aad, kaas oo ajandihiisu ahaa:

Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dawooyinka.

Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka.

Ugu horrayn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadam, ayaa Golaha Aqalka Sare u soo bandhigay warbixinta Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dawooyinka. Wasiirku waxa uu si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu sharcigani u leeyahay nidaaminta, tayeynta iyo sugidda badqabka dawooyinka dalka la keeno, isaga oo xusay doorka uu ka qaadanayo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Dhanka kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Ibraahim Awgaab Cismaan, ayaa Sanatarrada la wadaagay warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka. Waxa uu si qoto dheer u sharraxay qodobada iyo faqraddaha ay guddigu wax-ka-beddel, toosin iyo sii-hagaajin ku sameeyeen intii ay ku guda jireen ka shaqeynta sharcigan, iyagoo kaashanaya sharciyaqaannada Golaha.

Intaas kaddib, Sanatarrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay dood iyo aragti dhiibasho ku saabsan Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka, iyaga oo soo jeediyay talooyin, aragtiyo iyo fikrado wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo hufnaanta, daahfurnaanta iyo tayeynta sharcigan muhiimka u ah nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo soo xiray kulanka, ayaa uga mahadceliyay Sanatarrada ka qayb qaatay doodda iyo soo-jeedinta aragtiyaha qiimaha leh ee ku aaddan Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka. Waxa uu faray Guddiga Maaliyadda in ay dib u habeeyaan sharciga, iyagoo tixgelinaya talooyinka iyo aragtiyaha ay soo jeediyeen Sanatarradu, si loogu diyaariyo Akhrinta Saddexaad ee kama dambaysta ah.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles