Tuesday, September 23, 2025

Maxay aheyd Fariin uu MW Xasan Sheekh ka hor sheegay Shirka Q.M ee ku saabsan Falastiin?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehelinayeen Ergayga joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami ah oo looga hadlayay astaynta iyo aqoonsiga dowladnimada Falastiin, iyo xaqiijinta xuquuqda sharciga ah iyo taariikhiga ah ee shacabka Falastiin.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxda dalal badan oo xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, kuwaas oo si cad u muujiyay taageeradooda ku aaddan xaqa shacabka Falastiin u leeyihiin inay helaan dowlad madax-bannaan, caasimadduna ay noqoto Bariga Qudus.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay madasha, ayaa ku adkeystay mowqifka Soomaaliya ee taariikhiga ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay ahayd mid ka mid ah dalalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday dowladnimada Falastiin. Wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya mar walba garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Falastiin, ayna si joogto ah u taageerto dadaallada lagu xaqiijinayo dowladnimada buuxda ee Falastiin.

“Taageerada Soomaaliya ee shacabka Falastiin waa mid qoto dheer, oo ku dhisan mabda’a cadaaladda, xuquuqda aadanaha iyo xaqa dad kasta u leeyahay inuu yeesho dowlad madax-bannaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyay beesha caalamka, gaar ahaan dalalka horey u aqoonsaday Falastiin, inay sii xoojiyaan taageerada iyo go’aannada taariikhiga ah ee ay qaadeen, taas oo, sida uu tilmaamay, horseedi doonta xasillooni waarta, nabad iyo wada-noolaansho ka hanaqaada Bariga Dhexe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in ay ka go’an tahay taageerada buuxda ee la garab istaagga Falastiin, iyadoo ku baaqday in la dhowro go’aannada Qaramada Midoobay iyo heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan xuquuqda shacabka Falastiin iyo xaqooda ay ku dhistaan dowlad madax-bannaan oo ku taalla dhulkooda hooyo.

Shirkan caalamiga ah ayaa lagu soo gabagabeeyay baaq mideysan oo loogu yeeray dhammaan dalalka caalamka in ay si rasmi ah u aqoonsadaan dowladnimada Falastiin, ayna taageeraan halganka shacabka Falastiin ee xaqa iyo cadaaladda ku dhisan.

WARARKII KALE

Taliyihii Guutada 2aad ee Ciidanka Difaaca Puntland oo qarax miino lagu dilay

Alle ha u naxariistee Gen. Axmed Cabdi Cali Qalyare...

Soomaaliya iyo Serbia oo heshiis kula saxiixday New York

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali,...

Faransiiska oo si rasmi ah u aqoonsaday Falastiin

Faransiiska ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowlad ay...

Mucaaradka oo war ka soo saaray shirka ay ku yeesheen Muqdisho

Waxaa xalay kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Madasha...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 22/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixanaya Heshiiska Iskaashiga difaaca

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles