Tuesday, March 3, 2026

Maxay aheyd Fariin uu MW Xasan Sheekh ka hor sheegay Shirka Q.M ee ku saabsan Falastiin?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehelinayeen Ergayga joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami ah oo looga hadlayay astaynta iyo aqoonsiga dowladnimada Falastiin, iyo xaqiijinta xuquuqda sharciga ah iyo taariikhiga ah ee shacabka Falastiin.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxda dalal badan oo xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, kuwaas oo si cad u muujiyay taageeradooda ku aaddan xaqa shacabka Falastiin u leeyihiin inay helaan dowlad madax-bannaan, caasimadduna ay noqoto Bariga Qudus.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay madasha, ayaa ku adkeystay mowqifka Soomaaliya ee taariikhiga ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay ahayd mid ka mid ah dalalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday dowladnimada Falastiin. Wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya mar walba garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Falastiin, ayna si joogto ah u taageerto dadaallada lagu xaqiijinayo dowladnimada buuxda ee Falastiin.

“Taageerada Soomaaliya ee shacabka Falastiin waa mid qoto dheer, oo ku dhisan mabda’a cadaaladda, xuquuqda aadanaha iyo xaqa dad kasta u leeyahay inuu yeesho dowlad madax-bannaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyay beesha caalamka, gaar ahaan dalalka horey u aqoonsaday Falastiin, inay sii xoojiyaan taageerada iyo go’aannada taariikhiga ah ee ay qaadeen, taas oo, sida uu tilmaamay, horseedi doonta xasillooni waarta, nabad iyo wada-noolaansho ka hanaqaada Bariga Dhexe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in ay ka go’an tahay taageerada buuxda ee la garab istaagga Falastiin, iyadoo ku baaqday in la dhowro go’aannada Qaramada Midoobay iyo heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan xuquuqda shacabka Falastiin iyo xaqooda ay ku dhistaan dowlad madax-bannaan oo ku taalla dhulkooda hooyo.

Shirkan caalamiga ah ayaa lagu soo gabagabeeyay baaq mideysan oo loogu yeeray dhammaan dalalka caalamka in ay si rasmi ah u aqoonsadaan dowladnimada Falastiin, ayna taageeraan halganka shacabka Falastiin ee xaqa iyo cadaaladda ku dhisan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles