Maxay ka wada hadleen Xassan Shiikh & Gudoomiyaha Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Mahamoud Ali Youssouf oo ay isla garteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaadanayo dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo xoojinta amniga gudaha ee Soomaaliya, isagoo xusay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen walaalaha Nabad ilaalinta Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada xasuuqa ku haya shacabka Soomaaliyeed, kana soo horjeeda jiritaanka iyo horumarka dalka, waxa uuna ammaanay sida dalalka Gobolka ay u kordhiyeen garab istaagga ku aaddan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

“Argagixisada uma harin meel ay kaga dhex dhuuman karaan Soomaaliya, dhulkii iyo dadkiiba waa diideen.  Alle idankii, waaa ku guuleysan doonnaa in aan gebi ahaanba ka dabar-goyno dalkayaga oo iska dulqaadno dhagartooda, boobkooda iyo xasuuqa ay ku hayaan nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa isla qaatay horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, iyo xoojinta amniga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato geeddi-socodka dib u habaynta Midowga Afrika, kana shaqeyso in ay khibraddeeda daminta colaadaha sokeeye iyo nabadaynta ay uga faa’iideyso dalalka qaaradda iyo gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles