Maxay ka wadahadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku sugan magaalada Nairobi, caasimadda Kenya, ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Kenya, Moses M. Wetang’ula.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya ayaa hambalyo u diray Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur xilka uu ka hayo shir guddoonka guddoomiyeyaasha baarlamaanadda ururka Bulshada Bariga Afrika, doorashada xubnaha Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, iyo kaalinta firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay ururka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dhigiisa Kenya uga tacsiyeeyey geerida ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaasi, Raila Odinga. Sidoo kale, wuxuu dhigiisa ku casuumay shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Ururka Bulshada Bariga Afrika oo Soomaaliya martigelin doonto bisha May sanadka 2026.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray:

• Dhisida guddiga saaxiibtinimada baarlamaanada labada wadan.

• Qibrad is-weydaarsiga xildhibaanada labada baarlamaan.

• Xoojinta wada-shaqeynta guud ee labada baarlamaan.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Xas

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles