Wednesday, July 30, 2025

Maxay ka wadahadleen wasiir Fartaag iyo wafdiga Q.M.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaaminayeen Ms. Nasrin Khan, Madaxa Kooxda Xeerka iyo Hay’adaha Amniga, iyo Ms. Leila Bouchebouba, Madaxa Qaybta Dib-u-habaynta Laamaha Amniga.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhaxaysa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta nidaamka sharciga iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasilooni ka hanaqaada guud ahaan dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyey martida doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan taageerada dib-u-habaynta laamaha amniga iyo horumarinta hay’adaha garsoorka, isagoo xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga joogtada ah ee labada dhinac.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 29/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil iyo Madaxweyne Putin oo ka wada-hadlay arrimaha Iran

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay madaxweynaha...

Shir madaxeed arrin muhiim ah looga hadlayo oo maanta ka furmay Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Mudane Xildhibaan Biixi Imaan Cige, ayaa...

Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay...

Togasho ka dhacday Mareykanka

Nin hubeysan ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka...

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay gaari sahay u siday Daacish iyo raggii waday

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay gaari...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles