Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saaka markale dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab.
Toogashada ayaa waxaa lagu fuliyay C/raxmaan Maxamed Cabdullahi “Maaxi , Yoonis”iyo Ibraahim Aadan Maadeey,, kadib markii labadan maxkamada ciidamada xukuno ugu irday.
Raggan saaka la toogtay ayaa waxaa ay ka kala tirsanaayeen Qeybta Jabhadaha & dilalka Gaadmada ah ee Maleeshyaadka Al-shabaab.
Labadan waxay Muqdisho ka geeysteen dilal lagu beegsaday dad qiimo ku dhex lahaa Bulshadda.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii xukun dil toogasho ah lagu fuliyay rag ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaasi oo horay dilal u geystay
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa weli u xiran rag xukunsanayaal ah, kuwaas oo ka tirsan Al-Shabaab, iyada oo la filayo in dhawaan dil toogasho lagu fuliyo.