Fanaanka Safwaan Halac oo ku geeriyooday Shil ka dhacay Hargeysa

Waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Fanaanka caanka ah ee Safwaan Hilaac, kadib markii gaari uu la socday uu shil ku galay wadada loo yaqaan 200 Boqol oo ku taalla waqooyiga magaalada.

Safwaan Hilaac ayaa isla goobta ku geeriyooday, halka dhalinyaro kale oo la socotay oo ay gabdho ka mid yihiin ay dhaawacyo culus soo gaareen, kuwaas oo haatan xaaladdooda lagula tacaalayo Isbitaalka Hargeysa.

Marxuumka oo fanka ku soo biiray sanadkii 2015, ayaa ka mid ahaa fanaaniinta ugu jecel bulshadu heesahooda intii uu ku jiray masraxa fanka.

Geeridiisa waxaa si weyn uga tacsiyadeeyay fannaaniin, abwaano iyo bulshada Soomaaliyeed guud ahaan, iyagoo ku tilmaamay halyey da’yar oo iftiin iyo rajo u ahaa masraxa suugaanta.

Marxuumka ayaa dhawaan ka yimid Qurbaha uu ku noolaa, iyadoona ugu dambeyn uu ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Shilalka gaadiidka ee Somaliland ayaa bilihii u dambeeyay si xowli ah u kordhay, iyada oo dhimashada ka dhalata shilalkaas ay gaartay heerkii ugu sareeyay.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles