Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saaka markale dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab.
Toogashada ayaa waxaa lagu fuliyay Abuukar Axmed Maxamed (Anwar), Xamsa Jeylaani C/laahi (Abtiga) iyo Xassan Cali Xuseen (Garaad)
Dhamaan Sadaxdan ayaana ka wada tirsanaa Al-shabaab waxaana ay Dilal iyo Qaraxyo horay uga gaysteen Caasimadda iyo Gobolka Shabeelaha Hoose.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii xukun dil toogasho ah lagu fuliyay rag ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaasi oo horay dilal u geystay
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa weli u xiran rag xukunsanayaal ah, kuwaas oo ka tirsan Al-Shabaab, iyada oo la filayo in dhawaan dil toogasho lagu fuliyo.


