Monday, April 6, 2026

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay laba nin oo lagu helay dilka afar muwaadin

Waxaa dil toogasho lagu fuliyay Cabdi Cabdulqaadir Maxamed (oo loo yaqaanay Xuseen Afgarasho) iyo Farxaan Maxamuud Cabdi Nuur Aadan (oo loo yaqaanay Xasan Afgarasho), kaddib markii ay horey xukun dil ah ugu riday Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Labadan nin ayaa lagu helay dilka afar muwaadin, falkaasi oo ay ka geysteen magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo ka tirsan laamaha cadaaladda.

Xukunka dil toogashada ah ayaa saaka si rasmi ah looga fuliyay goobta loo asteeyay, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada iyo saraakiil ciidan.

Horey, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira dilal, qaraxyo iyo falal amni darro oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Maxkamadda Ciidamada ayaa inta badan qaadda kiisaska la xiriira askarta ka tirsan Ciidamada Qaranka iyo xubnaha ka tirsan kooxaha argagixisada, iyada oo ujeedadu tahay dardar-gelinta cadaaladda iyo la xisaabtanka dembiyada culus ee khatar ku ah amniga dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la Qaatay Gogaanka Guud Ee Dhaqanka Koofur galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Lafta gareen

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah...

Olole iyo kulamo siyaasadeed oo xoogan oo ka socda Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa haatan noqotay...

Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo qeylo dhaan u diray Beesha Caalamka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles