Diyaarad ku dhacday garoonka Muqdisho

Diyaarad kuwa rayidka ah ayaa waxaa ay ku dhacday garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayal ah.

Maareyaha hay’dda duulista rayidka soomaaliyeed Axmed Macalin oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in diyaaradda oo ka kacday garoonka Aadan Cabdulle ay ku socotay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaa uu intaa ku daray in wax yar uun ka dib markii ay ka kacday garoonka ay duuliyayaasha diyaaradda soo sheegeen in cilad qabsatay, dibna uga soo laabanayaan garoonka.

Diyaaradda ayaa markii ay cagaha dhigatay dhabbaha diyaaraduhu ku ordaan ka baxday dhabbaha kadibna ku dhacdy badda.Illaa 50 qof oo rakaab ah ayaa saarnaa diyaaradda, waxana illaa hadda socda gurmadka lagu badbaadinayo dadka saaran diyaaradda.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles