Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay laba nin oo lagu helay dilka afar muwaadin

Waxaa dil toogasho lagu fuliyay Cabdi Cabdulqaadir Maxamed (oo loo yaqaanay Xuseen Afgarasho) iyo Farxaan Maxamuud Cabdi Nuur Aadan (oo loo yaqaanay Xasan Afgarasho), kaddib markii ay horey xukun dil ah ugu riday Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Labadan nin ayaa lagu helay dilka afar muwaadin, falkaasi oo ay ka geysteen magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo ka tirsan laamaha cadaaladda.

Xukunka dil toogashada ah ayaa saaka si rasmi ah looga fuliyay goobta loo asteeyay, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada iyo saraakiil ciidan.

Horey, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira dilal, qaraxyo iyo falal amni darro oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Maxkamadda Ciidamada ayaa inta badan qaadda kiisaska la xiriira askarta ka tirsan Ciidamada Qaranka iyo xubnaha ka tirsan kooxaha argagixisada, iyada oo ujeedadu tahay dardar-gelinta cadaaladda iyo la xisaabtanka dembiyada culus ee khatar ku ah amniga dalka.

WARARKII KALE

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles