NISA oo xog ka bixisay Maxamed Sahal Iidle horjooge sare AS ee la dilay

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in 8-dii bishan howlgal ay ka fuliyeen meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, ku dileen Horjooge Maxamed Sahal Iidle, oo magaciisa afgarashadu ahaa Abuu Usaama.

NISA ayaa sheegtay in horjoogahan uu ka mid ah shaqsiyaadka ugu dhow Horjooge Axmed Diiriye, waxaana loo diyaarinayay in uu beddelo Horjoogihii Maaliyadda Cabdullaahi Wadaad, kaas oo isna 23-kii Janaayo ay Ciidanka Hay’adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka kusoo afjareen howlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhagar-qabe Abuu Usaama ayaa ka tirsanaa qeybta baadda iyo boobka hantida shacabka Soomaaliyeed u qaabilsan Khawaarijta, waxaana xilliga la dilay uu si toos ah ugu howlanaa uruurinta dhaqaale sharci-darro ah oo laga qaadayay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Horjoogahan waxa uu horey u soo noqday: Horjoogaha Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Hoose, Horjoogaha dabagalka baadda shacabka, xubin ka tirsan waxa ay ugu yeeraan golaha shuurada, Horjoogaha qeybta marin-habaabinta, sidoo kale, intii uu cadowgu haystay magaalada Kismaayo waxa uu soo noqday Horjoogaha Dekedda Kismaayo iyo Horjoogaha magaalada Kismaayo.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles