Axmed Madoobe oo ka soo degay Muqdisho, isagoo wata ciidan hubeysan

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah uga soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo wata ciidan ilaalo ah iyo hub culus, xilli amniga guud ee caasimadda si weyn loo adkeeyay.

Madaxweynaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyay xildhibaanno badan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin iyo saraakiil amni, kuwaas oo muujiyay soo dhaweyn rasmi ah iyo diyaar garow amni oo heer sare ah.

Socdaalka Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa la xiriira ka qeyb galka Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaasi oo la filayo inuu maalmaha soo socda si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka qeyb galaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Shirkan ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro arrimo xasaasi ah oo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, amniga, hannaanka dowlad-dhiska iyo xal u helidda khilaafaadka jira, iyadoo imaanshaha Axmed Madoobe loo arko mid muhiim u ah guusha shirkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles