Axmed Madoobe oo ka soo degay Muqdisho, isagoo wata ciidan hubeysan

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah uga soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo wata ciidan ilaalo ah iyo hub culus, xilli amniga guud ee caasimadda si weyn loo adkeeyay.

Madaxweynaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyay xildhibaanno badan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin iyo saraakiil amni, kuwaas oo muujiyay soo dhaweyn rasmi ah iyo diyaar garow amni oo heer sare ah.

Socdaalka Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa la xiriira ka qeyb galka Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaasi oo la filayo inuu maalmaha soo socda si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka qeyb galaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Shirkan ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro arrimo xasaasi ah oo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, amniga, hannaanka dowlad-dhiska iyo xal u helidda khilaafaadka jira, iyadoo imaanshaha Axmed Madoobe loo arko mid muhiim u ah guusha shirkaasi.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles