Saturday, March 14, 2026

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa NISA

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa fulisay xukunka dilka toogashada ahaa ee lagu riday Dable ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mukhtaar Shakuur Amiin, kadib markii lagu helay dilka Marxuum Fatxi Cabdullaahi Cabdi.

Dilkan ayaa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose 16-kii February 2026, waxaana la sheegay inuu ka dhashay muran la xiriiray taleefanka marxuumka oo laga dhacay xilli uu ka soo baxay masjid uu ku tukaday salaadda Duhur.

Kiiska oo ay baaritaan ku sameeyeen Xafiiska Xeer-ilaalinta Ciidamada, ayaa ugu dambeyn maxkamaddu ku xukuntay Mukhtaar Shakuur Amiin dil toogasho ah, si qisaas loogu fuliyo Marxuumka, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada, Xasan Cali Nuur Shuute.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamo ka soo horjeeda Lafta Gareen oo dagaal kula wareegay Qansax-dheere

Dagaal xooggan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada...

Soomaaliya oo garab u muujisay Qatar kadib markii la weeraray

Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka...

Duqeyn ka dhacday Hiiraan iyo Mudug oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Nabad...

Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo hakiyay dhoofinta shidaalka Khaliijka

Dagaalka u dhexeeya Iran iyo isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil...

Imaaraadka Carabta oo xirtay dad lagu eedeeyay inay duubeen weerarada Iran

Imaaraadka Carabta ayaa amar ku bixisay in la xiro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles