Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay magaalada Muqdisho 25-kii Diseembar 2025, isagoo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed sida ay doorashooyinku ugu dhaceen si deggen oo nidaamsan.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in qabsoomidda doorashooyinkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo bilow ah oo ka tarjumaysa dadaallada socda ee Soomaaliya ay ku horumarinayso maamul dimuqraadi ah guud ahaan dalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika wuxuu carrabka ku adkeeyay in doorashooyinka heer degmo ay door weyn ka qaataan xoojinta ka-qaybgalka dadweynaha ee maamulka, isla markaana ay siinayaan waayo-aragnimo muhiim ah geeddi-socodka siyaasadeed iyo doorasho ee ay Soomaaliya iyadu hoggaaminayso.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika wuxuu mar kale xaqiijiyay in Midowga Afrika uu sii wadi doono garab istaagga iyo la-socodka shacabka Soomaaliyeed, dadaalladooda ku aaddan dhismaha maamul loo dhan yahay, iyo hirgelinta nabadda iyo xasilloonida waarta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay degmada Waajid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska...

Waqtiga la qabanayo doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ayaa si rasmi...

Trump oo ka shaqeynaya in Ilhan Omar laga soo masaafurayo Mareykanka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan la xiriira...

Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba kadib dagaal culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles