Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee ka sii dareysa ee ka taagan Koofur Galbeed, xilli ay jirto xiisad u dhaxeysa hoggaanka maamulkaas iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in xaaladda si dhow loola socdo, isla markaana ay muhiim tahay in la helo wadahadal degdeg ah oo xal u keena khilaafka jira.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu adkeeyay in xaaladdu u baahan tahay is-afgarad iyo xal nabadeed, halkii laga sii hurin lahaa khilaafka.
“Midowga Yurub wuxuu si walaac leh ula socdaa xaaladda sii xumaaneysa ee Koonfur Galbeed. Wadahadal wax ku ool ah ayaa aad muhiim u ah xilligan; dhammaan dadaallada dhexdhexaadinta waa in la soo dhoweeyaa lana siiyo fursad,” ayay tiri danjiradda.
Xiisadda Koofur Galbeed ayaa salka ku haysa khilaaf siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo maamulka, taas oo keentay kala aragti duwanaansho u dhexeeya dhinacyada siyaasadda, isla markaana saameyn ku yeelatay amniga iyo maamulka deegaanada qaar.


