KGS oo amar culus duldhigtay shirkadaha duulimaadyada

Wasaaradda Gaadiidka ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay amar rasmi ah oo lagu sheegay in wax diyaarado ah oo aan ogolaansho ka haysan dowladda Koonfur Galbeed aan lagu soo degi karin garoomada diyaaradaha ee ku yaala deegaanada maamulka.

Amar kan ayaa lagu xaqiijinayaa in dhammaan duulimaadyada diyaaradaha ee ku saabsan Koonfur Galbeed ay u baahan yihiin ogolaansho gaar ah oo ka timaadda Wasaaradda Gaadiidka ee maamulka.

Amarkan ayaa lagu taageerayaa dadaallada amniga iyo xakameynta duulimaadyada si loo hubiyo in garoomada diyaaradaha aysan u noqon kuwo amni darro ah, isla markaana loo ilaaliyo inaysan khatar gelin shacabka ku nool gobolka.

Waxaana sidoo kale la sheegay in wasaaradda ay qaadi doonto tallaabooyin sharciyeed haddii ay jiraan diyaarado soo dagay iyagoo aan haysan ogolaansho.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa sidoo kale ku baaqday in dhammaan shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha duulimaadyada ay si toos ah ula xiriiraan maamulka Koonfur Galbeed si ay u helaan ogolaanshaha lagama maarmaanka ah ka hor inta aysan duulin ama aysan soo degin.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda Koonfur Galbeed ee ku aaddan ilaalinta amniga guud ee gobolka iyo xaqiijinta in diyaaradaha ay ku socdaan siyaabo waafaqsan sharciyada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles