Friday, January 30, 2026

Mooshinka laga diyaariyay guddoomiye Aadan Madoobe oo la gudbiyay, maxaa lagu haystaa?

Waxaa si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo looga dalbanayo in kalsoonida lagala noqdo.

Mooshinkan oo ay saxiixeen tiro xildhibaanno ah oo gaaraya in ka badan 100 mudane, ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo ay dalka ka jirto dood adag oo ku saabsan wax-ka-beddelka Dastuurka, taas oo horseedday kala qeybsanaan xooggan oo soo dhex gashay mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka mooshinka ayaa lagu xusay qodobbo dhawr ah oo ay xildhibaannadu ku tilmaameen sababaha ay kalsoonida ugala noqonayaan Guddoomiyaha, waxaana ka mid ah:

1-Ku-tumasho Habraaca Dastuurka: In guddoonku uu garab maray hannaanka sharciga ah ee loogu talagalay ka doodista iyo ansixinta qodobbada masiiriga ah.

2-Maamul-xumo iyo Ku-takri-fal Awoodeed: Waxaa lagu eedeeyay inuu u adeegsaday awoodda guddoonka si aan waafaqsanayn xeer-hoosaadka Baarlamaanka.

3-Codayn iyo Kooram aan Sharci ahayn: Xildhibaannada mooshinka keenay ayaa sheegay in dhowr jeer la sameeyay codayn aan loo dhammayn kooramka loo baahan yahay, balse uu Guddoomiyuhu meel-mariyey.

4-Luminta Kalsoonida: Waxay ku doodeen in Guddoomiyuhu uu waayay kalsoonidii uu ku hoggaamin lahaa Golaha Shacabka, taasna ay curyaaminayso hufnaanta nidaamka baarlamaanka.

Dhaq dhaqaaqan ayaa u muuqda mid dhabar-jab ku ah dadaallada madaxtooyada Somalia ee lagu dhammaystirayo dib-u-eegista Dastuurka, maadaama Aadan Madoobe uu udub-dhexaad u yahay isku xirka fulinta iyo xeer-dejinta.

Haddii mooshinkan la aqbalo, Baarlamaanka ayaa geli doona xaalad cakiran oo keeni karta in dalka uu lugaha la galo jahwareer siyaasadeed oo hor leh.

WARARKII KALE

Turkiga oo diyaarado casri ah keenay Muqdisho iyo Qorsho kale

Wargeyska The Middle East Eye ayaa waxaa uu si...

Trump oo u gafay Soomaaliya iyo hanjabaad uu u diray Burcad badeeda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in...

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka wasiirada dalalka Carabta iyo Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Iraan oo dhoolatus ku sameynaysa gacan biyoodka Hormuz

Warbaahinta Press TV, oo ah telefishinka fka Ingiriisiga ku...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles