Monday, May 11, 2026

Mucaaradka oo kulamo xasaasi ah la leh culimada Soomaaliyeed

Siyaasiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah la qaadanaya qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulankan oo la qorsheynayo inuu socdo illaa maalinta Jimcaha ayaa la sheegay in si qoto dheer looga doodi doono arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan khilaafka hareeyay hannaanka loo marayo iyo suurtagalnimada in la helo doorasho loo dhan yahay.

Wararka ayaa tilmaamaya in dhinacyada kulanka ka qeybgalaya ay si weyn uga arrinsanayaan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyagoo raadinaya xal mideeya aragtiyada kala duwan ee ka jira doorashooyinka.

Kulankan ayaa daba socda kulamo hore oo mucaaradku la yeesheen odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in la helo wadatashi ballaaran.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa wada kulamo gaar-gaar ah oo ay kaga tashanayaan marxaladda kala guurka, iyagoo aaminsan in muddo xileedka Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu ku egyahay 15-ka May 2026.

Kulankan cusub ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira muranka doorashooyinka, waxaana la filayaa in marka uu soo gaba-gaboobo laga soo saaro qodobo iyo talooyin lagu wajaho xal u helidda xaaladda siyaasadeed ee cakiran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

DFS iyo Beesha Caalamka oo ka wadahadlay arrimaha amniga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda  Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa...

DFS oo mucaaradka ku eedeysan inay abaabulayaan banaanbax rabshado wata

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diidaneen dibadbax...

Shacabka Koofur Galbeed oo saaka doorasho u dareeray

Deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa saaka looga...

Mucaaradka oo aqbalay in Bannaanbaxa lagu qabto Garoonka Injineer Yariisow

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn aqbalay in bannaanbaxooda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles