Friday, June 26, 2026

Mucaaradka oo Muqdisho uga Doodaya Nidaam Doorasho oo Cusub

Golaha Mustaqbalka iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u guda-galay dood ku saabsan nooc doorasho oo cusub, kaas oo lagu tilmaamay mid “dhexe” oo ka duwan labadii nidaam ee horey dalka u soo maray.

Kulanka oo ka socda caasimadda ayaa diiradda lagu saaraya sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo ay ku mideysan yihiin dhinacyada siyaasadda, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha amni, siyaasadeed iyo farsamo ee jira.

Wararka ayaa sheegaya in mucaaradku isku dayayaan inay ka soo saaraan hal aragti oo mideysan, si ay ugu gudbiyaan ergada Beesha Caalamka ee ku howlan dhexdhexaadinta.

Hindisaha cusub ayaa la sheegay inuu noqon karo isku dhaf u dhexeeya doorasho dadban iyo mid dadweyne, taas oo lagu qancin karo dhinacyada kala duwan ee siyaasadda.

Qorshahan ayaa ujeedkiisu yahay in laga fogaado khilaaf hor leh oo sababi kara dib u dhac ku yimaada geeddi-socodka doorashooyinka.

Weriyeyaasha Risaala ee ku sugan kulanka ayaa tilmaamaya in nidaamka la soo jeediyay uu siinayo door muuqda dowlad-goboleedyada iyo odayaasha dhaqanka, isla markaana uu furayo waddo mustaqbalka u sahli karta in dalka u gudbo nidaam qof iyo cod ah, inkastoo la sugayo go’aanka kama dambeysta ee Mucaaradka.

Dhanka kale, ergada Beesha Caalamka oo kulamo la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mucaaradka, ayaa muujisay walaac ku aaddan waqtiga kooban ee harsan ka hor dhammaadka muddo-xileedka madaxweynaha oo ku eg 15-ka May.

Waxay dhinacyada siyaasadda ku boorriyeen inay si degdeg ah u bilaabaan wadahadallo wax ku ool ah, isla markaana ay ku heshiiyaan hannaan doorasho oo la isla oggol yahay si looga fogaado Khalalaase siyaasadeed.

Mucaaradka ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku dhawaaqaan go’aan mideysan oo ku saabsan nooca doorasho ee ay taageersan yihiin, taas oo fure u noqon karta wadaxaajoodyo rasmi ah oo dhex mara dowladda iyo mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre”Xasan Sheekh ayaa amray xarigga iyo Xukunka Sacdiyo Bajaaj”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Maxkamadda G/Banaadir oo 3 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo...

Xasan Sheekh oo lagu Cadaadinayo inuu soo Bandhigo heshiiskii doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu...

Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo Muwaadiniin la Haysto

Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka...

RW Xamse iyo Qoorqoor oo la Filayo inay shaaciyaan heshiis ku saabsan Doorashada Galmudug

R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles