Mucaaradka oo shir xasaasi ah ku leh Muqdisho iyo diyaar garowga Bannaanbaxyada

Waxaa goordhow ka furmaya Jaziira Hotel shir gaar ah oo ay yeelanayaan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya, kaas oo lagu wado inay ku shaaciyaan goobaha rasmiga ah ee ay ka dhacayaan bannaanbaxyada ay hore ugu baaqeen.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli mucaaradka ay wadaan kulamadii ugu dambeeyay iyo abaabullada la xiriira bannaanbaxa la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in siyaasiyiinta mucaaradka ay ka arrinsanayaan qaabka loo maareynayo isu soo baxa, amniga taageerayaashooda iyo fariimaha siyaasadeed ee lagu gudbinayo bannaanbaxa.

Sidoo kale mucaaradka ayaa shaacinaya degmooyinka ay kala degi doonaan iyo goobaha ay ka dhacayaan Banaanbaxyada.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna kordhisay dhaq-dhaqaaqyada amni ee Muqdisho, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo waddooyinka waaweyn iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada, si looga hortago qalalaase amni ama isku dhac ka dhasha bannaanbaxyada.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka ayaa maalmihii dambe si weyn uga sii dareysay Muqdisho, iyadoo shacabka ay si dhow ula socdaan xaaladda iyo waxa kasoo bixi kara kulamada socda.

WARARKII KALE

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

Soonaaliland oo durtay shirkii Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan

Danjiraha Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud,...

Sacuudiga oo war ka soo saaray sababta ay u weeraraan Xuutiyiinta

Milatariga Sacuudiga ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen goobaha Xuutiyiinta ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles