Wednesday, January 14, 2026

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

Wararka ka imaanaya deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo Xeebeedka Cape town ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed.

Allah u naxariiste muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Qaasin Abdi Hassan kaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas waxay ku dhex toogteen  gudaha dukaankiisa oo ku yaalay deegaanka Philipi oo ka mid ah deegaanada ugu khatarta badan dhanka burcada beegsata ganacsatada Soomaalida.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Koofur Afrika ayaa saacado kadib tagay goobta lagu dilay Marxuumka, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaano la xiriira falkaas, hayeshee lama soo warin cid ay u soo qabteen dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed.

Dilalka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika ayaa si aad ah u kordhay maalmahan dambe mana jirto wax war ah oo ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay dhibaatooyinkan soo noqnoqday ee lagu beegsanayo nafta iyo maalka Soomaalida dalkaas ka dhex shaqeysata.

Sanad kasta Soomaalida aad u badan ayaa lagu beegsadaa gudaha Koofur Afrika, waxaana loo geystaa dilal, dhaawacyo iyo dhac joogto ah, hayeshee ma muuqato wax talaabo amni ah oo ay qaadeyso dowladda Koofur Afrika si loo yareeyo dhibaatada sii kordheysa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles