Saturday, February 28, 2026

MW Xasan Sheekh ” Cadey inaad muwaadin Soomaaliyeed tahay”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo laba maalmood ah ka socday Caasimadda Muqdisho, isaga oo ammaanay shaqada Hay’adda Aqoonsiga Qaran ee NIRA, muwaadiniinta Soomaaliyeed ee isdiiwaan-geliyey, talo-soojeedinta khubarada iyo horumarinta Aqoonsiga Dijitaalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in shirkan qaran uu muujinayo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay dhammaystirka hirgelinta nidaam Aqoonsi Qaran oo mideysan, casri ah, ammaan ah, kaas oo tiir muhiima u ah dowladnimada, amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada, waxa uuna adkeeyay in go’aannada shirkan lagu xoojiyo qorshaha qaran ee dhismaha adeegyo dowladeed oo ku saleysan tiknoolojiyadda casriga ah.

“Dalkaan Soomaaliya ayaa la dhahaa waxaana leh Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Muwaadin qaado Kaarka aqoonsiga NIRA, maanta waa fudud yahay, waxaa imaan doonta xilli la’aantiisa noloshu istaagi doonto, aan la jaan qaadno dunidan casriga ah, Dalkaan 35 ka hor halkuu joogay ma sii joogayo, dastuur, doorasho qof iyo cod, waa inaan ku dhaqannaa qawaaniinta caalamiga ah, una noolaanaa sida adduunyada kale looga nool yahay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku booriyey dhammaan hay’adaha dowladda in ay si wadajir ah u fulinayaan qorshayaasha iyo tallooyinka wax ku oolka ah ee laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka, si loo dhammeystiro in shacabka Soomaaliyeed oo idil ay helaan Aqoonsiga Qaranka, lana xoojiyo kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada iyo dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles