Wednesday, January 14, 2026

MW Xasan Sheekh ““Dalkaan waxaa ugu qiima badan Macallinka iyo Askariga Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Muqdisho, taas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo tilmaamaya kaalinta macalinka Soomaaliyeed ayaa xusay taariikhda muhiimka ah ee macallimiintu ay ku leeyihiin horumarinta waxbarashada dalka, barbaarnta jiilal karti leh oo dhisa mustaqbalka Soomaaliya, isaga oo faray Hiddaha iyo Tacliinta Sare in ay dhameystirto tirada ka dhiman 10,000 ee Macalin.

“Dalkaan waxaa ugu qiima badan Macallinka iyo Askariga Soomaaliyeed, Sidaas awgeed, waxaa waajib innagu ah in la maamuuso Macallinka, lana taageero, madaama yahay laf-dhabarta horumarka bulshada, waxaan farayaa Madaxda Wasaaradda in la dhameystiro tiradii tobanka kun ee macallin, taas oo ilaa hadda dowladdu ay shaqaaleysiisay lix kun, kuwaas oo si buuxda uga howlgala goobaha waxbarashada ee kala duwan, waxaan rajeynaya inta dhimaanna in si deg deg loo diyaariyo dugsiyadii ay ku shaqeyn la hayeen, lana siiyo tababar”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey sida ay dowlada uu hoggaamiyo uga go’an tahay in la xoojiyo aqoonta, tababarrada iyo dhiirrigelinta macallimiinta, si loo xaqiijiyo in jiilashan ay helaan waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah, waxa uuna ku baraarujiyey dhallinyarada in ay yihiin hogaamiyeyaasha maanta iyo beriba ee dalkeenna.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles