Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Muqdisho ka daahfuray Shirweynaha 1aad ee Caddaaladda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Koowaad ee Bahda Caddaalladda dalka, oo looga hadlayo horumarinta sharciga, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hey’adaha garsoorka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dowlad-dhis ah, isla markaana loo baahan yahay garsoor madax-bannaan, hufan, oo daboolaya baahida shacabka, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo sarreynta sharciga, lana tayeeyo hey’adaha caddaaladda, si loo helo garsoor lagu kalsoon yahay oo horseeda nabad waarta, iyo dowladnimo sal-adag leh.

“Haddii aysan jirin caddaalad la isku halayn karo, ma jiri karo amni waara, kalsooni shacab, maalgashi, iyo dowladnimada casriga ah ee ay Soomaaliya mudan tahay, dib-u-habeynta garsoorku waa arrin Qaran oo mudnaanta koowaad leh, waana jidka keliya ee lagu gaari karo Soomaaliya xasilloon.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu intaas raaciyey in garsoorka uu muhiim u yahay doorasho xor ah caddaalad ah iyo xoojinta dimuqraadiyadda iyo kalsoonida shacabka, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta siinayso dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurku ay yihiin aas-aaska hirgelinta nidaamka sharciga iyo federaalka ee dalka, waxa uu xusay in dastuur dhammeystiran uu dalkeenna u keenayo, xasillooni siyaasadeed, hannaan shaqo oo mideysan, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo garsoor caaddil ah.

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey bahda garsoorka qaban-qaabada shirka sanadlaha ah, waxa uuna ugu baaqay dhammaan ka qeyb-galayaasha in ay si dhab uga doodaan dib-u-habeynta garsoorka, isla markaana ay keenaan talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo caddaaladda dalka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles