Xildhibaanada labada gole ee BFS oo ansixiyay xisaab xirka miisaaniyada 2024

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenada labada aqal ee Baarlamaanka dalka.

Ajendaha kulanka ee maanta waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 oo ay soo gubbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu horreyn guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) ayaa mudanayaasha labada aqal la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad ee xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay si wadajir ah uga shaqeynayeen guddiyadda maaliyadda ee labada aqal.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo u codeeyay xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 ayaa waxaa ogolaatay 167-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday sidoo kalena hal xildhibaan ayaa ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay howlo muhiim ah u yaalaan kalfadhiga todobaad, wuxuuna sheegay in baarlamaanka labadiisa aqal ay kalfadhiga todobaad ka shaqeyn doonaan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles