Saturday, February 14, 2026

MW Xasan Sheekh oo ka mid ah madaxda lagu casuumay Munaasabad ka dhacaysa Masar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalaya xafladda rasmiga ah ee furitaanka Madxafka Qaranka ee dalka Masar, oo ay ka soo qeybgali doonaan madax badan oo caalami ah,

Madaxweyneyaasha dalalka Albaaniya, Armeniya, Bulgaariya, Kolombiya, Koroshiya, Qubrus, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), Jabuuti, Equatorial Guinea, Ereteriya, Jarmalka, Gana, Golaha Madaxtooyada Liibiya, Falastiin, Boortugaal, Malta, iyo Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah marti sharaf lagu casuumay munaasabaddaasi taas oo lagu daahfurayo madxaf si weyn u soo bandhigaya hiddaha, taariikhda iyo dhaqanka boqortooyadii hore ee Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marka uu tago Qaahira waxaa uu la kulmi doonaa madax kala duwan oo caalami ah, isaga oo kala hadli doono xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la filayaa inuu la qaato madaxweynaha dalka Masar C/Fatax Al-sisi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo gaaray Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo...

Maxay ka wadahadleen wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa Kulmay...

Kenya oo dib u furaysa xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya

Kenya ayaa dib u furi doonta xuduuddeeda ay la...

Booliska Kenya oo xiray Nasir Cige iyo eedeynta loo haysto

Qoraal kasoo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in...

RW Xamsa oo xalay la kulmay madaxda Mucaaradka ee la celiyay xerada Xalane

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles