Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalaya xafladda rasmiga ah ee furitaanka Madxafka Qaranka ee dalka Masar, oo ay ka soo qeybgali doonaan madax badan oo caalami ah,
Madaxweyneyaasha dalalka Albaaniya, Armeniya, Bulgaariya, Kolombiya, Koroshiya, Qubrus, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), Jabuuti, Equatorial Guinea, Ereteriya, Jarmalka, Gana, Golaha Madaxtooyada Liibiya, Falastiin, Boortugaal, Malta, iyo Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah marti sharaf lagu casuumay munaasabaddaasi taas oo lagu daahfurayo madxaf si weyn u soo bandhigaya hiddaha, taariikhda iyo dhaqanka boqortooyadii hore ee Masar.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marka uu tago Qaahira waxaa uu la kulmi doonaa madax kala duwan oo caalami ah, isaga oo kala hadli doono xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la filayaa inuu la qaato madaxweynaha dalka Masar C/Fatax Al-sisi.


