MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xaflada caleema saarka madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo ka dhacday magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha oo ka mid ahaa madaxda dalalka gobolka, hoggaamiyeyaal caalami ah iyo wufuud heer sare ah oo lagu casuumay munaasabadda ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray Madaxweynaha iyo shacabka Jabuuti, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo iskaashiga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad, horumar iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Geeska Afrika.

WARARKII KALE

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

Soonaaliland oo durtay shirkii Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan

Danjiraha Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud,...

Sacuudiga oo war ka soo saaray sababta ay u weeraraan Xuutiyiinta

Milatariga Sacuudiga ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen goobaha Xuutiyiinta ee...

Trump oo doonaya inuu burburiyo Maxkamada Caalamiga ee dambiyada ICC

Maamulka Trump ayaa si weyn u dardargeliyay dadaallada uu...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles