Tuesday, July 1, 2025

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shirka ka dhacaya Ciraaq

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku sii jeedaa magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, halkaas oo uu kaga qeyb galayo shir heer sare ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka Carabta, kaasi oo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga iyo xasiloonida gobolka.

Shirkan oo muhiim u ah iskaashiga dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, ayaa lagu gorfeynayaa caqabadaha amni ee ka jira gobolka, xoojinta iskaashiga dalalka Carabta ee la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta wadajirka dalalka xubnaha ka ah ururkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu shirka ka jeediyo khudbad rasmi ah oo uu kaga hadlayo:

• Doorka Soomaaliya ee dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada gaar ahaan Al-Shabaab.

• Sida Soomaaliya uga go’an tahay sugidda amniga gudaha iyo kan gobolka.

• Baahida loo qabo iskaashi dhab ah oo u dhexeeya waddamada Carabta si loo wajahdo khataraha amni ee isbeddelaya.

• Fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulammo gaar ah la yeesho qaar ka mid ah madaxda Carabta ee ka soo qayb galaya shirkan, si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay dalalkaasi.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya xilli dalka uu ku jiro jahwareer siyaasadeed oo xooggan, kaasi oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saamilayda siyaasadda.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles