Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku wajahan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono munaasabad xarig-jarka xarunta dalxiiska ee Shabeelley, oo ku taalla gobolka Faafan.
Inta uu ku sugan yahay halkaasi, Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqan doona xarunta laga dhaliyo korontada dabaysha ee ku taalla magaalada Ayshaca ee gobolka Sitti, taas oo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanka.
Safarkan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Jabuuti, iyo Madaxa Hay’adda Sirdoonka Kenya Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji, oo shalay gaaray halkaasi, taas oo muujineysa muhiimadda uu safarkani u leeyahay iskaashiga dalalka gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo Dowlad Deegaanka Soomaalida la qaadan doona kulamo gaar ah oo uu la yeelan doono madaxda deegaanka, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka, iskaashiga amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo arrimaha xuduudaha.
Safarkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya, isla markaana kor u qaado xiriirka dalalka Geeska Afrika.


