Friday, April 10, 2026

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayey Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ee dalkaas Mudane Alparslan Bayraktar.

Madaxwaynaha iyo Wasiirka ayaa kulankooda iskula soo qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba-geesoodka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray iskaashiga arrimaha tamarta, khayraadka dabiiciga ah iyo dhaqaalaha buluugga.

Madaxwaynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga labada dal ee dhanka tamarta uu soo gaaray marxalad taariikhi ah oo shacabka labada dal ay ku faani karaan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in soo xirashada markabka Cagri Bay uu baal cusub oo dahabi ah u furay dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirtay sidii sare loogu qaadi lahaa koboca dhaqaalaha dalka, shaqo-abuurka iyo kaa faa’ideysiga khayraadka dabiiciga ee ceegaaga baddaheenna iyo barrigeenna.

Dhankiisa, Wasiir Alparslan Bayraktar ayaa ugu mahadceliyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhawaynta iyo martisoorka qaayaha leh ee ay u fidiyeen, isaga oo muujiyay in Markabka Cagri Bay iyo billaabashada hawlahiisa qodista ay tusaale u yihiin ka mirodhalinta yoolasha iskaashiga tamarta ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeya.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

Mucaaradka oo dib u dhigay shirkii ay ku balansanaayeen

Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo...

Xisbullaah oo sheegtay in ay weerareen askar ka tirsan Israa’iil

Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ciidamadeedu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles