Friday, February 27, 2026

MW Xasan Sheekh oo maanta codkiisa dhiibtay iyo fariin uu u diray Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, taas oo ah doorashadii ugu horreysay ee dadweynuhu si toos ah u codeeyaan tan iyo sanadkii 1969.

Madaxweynaha ayaa ka codeeyey degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, isagoo muujiyay muhiimadda ay doorashadani u leedahay dib-u-dhiska dowladnimada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo ka qeyb-galka shacabka ee talada dalka.

Kadib markii uu codeeyay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay ka shaqeynayso siyaasad mideysan oo ay ku mideysan yihiin dhammaan walaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka maqan geeddi-socodka siyaasadeed, isagoo ku boorriyay in la helo wada-shaqeyn iyo is-afgarad qaran.

Doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galaya 20 urur siyaasadeed, waxaana lagu dooranayaa 390 kursi, iyadoo kumannaan ka mid ah shacabka Muqdisho ay maanta u dareereen goobaha codbixinta ee 16-ka degmo ee gobolka.

Dhacdadan taariikhiga ah ayaa sidoo kale soo jiidatay indhaha warbaahinta caalamiga ah, kuwaas oo si dhow ula socday habsami u socodka doorashada, amniga la sugay iyo ka qeyb-galka ballaaran ee shacabka, taas oo muujinaysa horumar siyaasadeed oo Soomaaliya ka sameyneyso hannaanka dimuqraadiyadeed.

Doorashadan ayaa loo arkaa tallaabo weyn oo dib loogu soo celinayo xuquuqda codbixinta shacabka.

Doorashada maanta ka socota Muqdisho ayaa waxaa ka horyimid siyaasiyiinta mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo la kulmay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee G/Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan...

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta guddoomiyay...

Baarlamaanka oo dhameystiray dooda wax ka badelka Dastuurka

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Madaxweyne Geelle oo Cambaareeyay Saldhigga Israa’iil ee Berbera

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal uu dhawaan...

Israa’iil oo aqbashay in Safiirka ay Somaliland u magacowday dalkeeda

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay inay aqbashay in Dr. Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles