RW Xamsa oo kormeeray goobaha codbixinta

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagay goobo ay ka socoto cod-bixinta doorashada goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir, oo saaka ay bulshada ku nool caasimaddu si weyn ugu dareereen xarumaha cod-bixinta.

Ra’iisul Wasaaraha, oo booqday goobo ku yaalla degmooyinka Shangaani, Boondheere iyo Xamar-Jajab, ayaa dul-istaagay habsami-u-socodka doorashada, amniga goobaha, iyo adeegyada loo fidinayo muwaadiniinta, wuxuuna tilmaamay in ilaalinta nabadda, daahfurnaanta hanaanka doorashada, iyo tixgalinta rabitaanka muwaadiniintu ay yihiin tiirarka lagu xaqiijinayo dimuqraadiyad dhab ah, isla markaana ay masuuliyad wadareed ka saaran tahay dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo bulshada inteeda kale.

Sidoo kale Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in maanta ay hirgashay rejo ay in badan doonayeen shacabku, taas oo noqon doonta taariikh cusub oo la xaqiijiyey loona qaaday dhanka dowlad-wanaagga iyo dimuqraadiyadda laga gaaray doorashooyinka tooska ah ee shacabka Soomaaliyaad loogu celinayo xuquuqdooda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles