Wednesday, April 15, 2026

Maamulka koonfur galbeed oo bogaadiyey doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa hambalyo u diray Shacabka Gobolka Banaadir oo maanta si nabad ah, hufan isla markaana masuuliyad leh ugu dhiibtay codkooda Doorashada Qof iyo Cod.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Banaadir biseylkooda siyaasadeed, wacyigooda iyo sida ay uga go’an tahay ka qeybgalka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, isagoo xusay in doorashadani ay tahay tallaabo taariikhi ah oo horseed u ah dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale ammaanay Hay’adaha Ammaanka, Guddiyada Doorashooyinka iyo dhammaan masuuliyiintii ka shaqeysay hirgelinta doorashada, kuwaas oo suurtageliyey in codbixintu ku qabsoonto jawi nabad iyo kala dambeyn leh.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay sii wadaan ka qeybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda, si loo helo hoggaan lagu doortay rabitaanka shacabka, loona xoojiyo midnimada iyo horumarka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo war ka soo saartay arrimo ku saabsan wadahadallo kale oo dhexmara iyaga iyo Maraykanka

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran Esmail Baghaei ayaa...

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar ku bixiyay in la isticmaalo Shilin Soomaaliga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xassan Maxamed...

Hawlgal lagu laayey maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab oo ka dhacay Hiiraan iyo Baay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Qaranka oo kaashanaya...

Askar ku geeriyooday iska horimaad ka dhacay Gaalkacyo

Warar laga helayo magaalada Galkayo ayaa sheegaya in ugu...

Golaha Mustaqbal Soomaaliyeed oo ka digay muddo kororsi uu sameysto MW Xasan Sheekh

War qoraal ah oo ka  baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles