Madaxweynaha hirshabelle oo bogaadiyay curashada doorasho qof iyo qod ah ee gobolka banaadir

Maanta waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareeray qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah, taasoo ah tii ugu horreysay ee noocan ah ee Gobalka Benaadir ka dhacda tan iyo sannadkii 1969-kii, taasoo la micno ah in muddo 56-sanno ah kadib ay shacabka Gobalka Benaadir dib ugu laabteen hab doorasho oo toos ah.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo guud ahaan shacabka Gobalka Benaadir, isagoo bogaadiyay guusha laga gaaray yoolka muddada dheer la higsanayay.

Geeddi-socodka doorashada qof iyo cod wuxuu ahaa mid shacabka Soomaaliyeed si weyn u sugayeen, waxaana muwaadiniintu fursad u heleen inay codkooda ku doortaan xisbiyada ay aaminsan yihiin inay matali karaan rabitaankooda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa yiri: “Taariikh cusub oo dowladnimo ah ayay maanta qoreen shacabka Gobolka Banaadir, waana maalin xusuus mudan.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay hay’addaha amniga, isagoo ammaanay sida ay xil iskaga saareen sugidda amniga caasimadda Muqdisho intii lagu guda jiray qabsoomidda doorashada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles