Sunday, March 1, 2026

NATO oo isku khilaaftay taageerada Israel

Madaxda dalalka xubnaha ka ah Isbaheysiga NATO ayaa si weyn ugu kala qeybsamay taageerada Israel oo dagaal bahalnimo ah kula jirta shacabka reer Falastiin.

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez oo hadal ka jeediyay shirweynaha NATO ee ka socda Mareykanka ayaa ku baaqay in si mid ah loo wada difaaco shacabka Gaza iyo kuwa Ukraine.

“Haddii aan u sheegayno dadkeenna inaan taageereyno Ukraine sababtoo ah waxaan difaaceynaa sharciga caalamiga ah… Waa inaan sidaas oo kale u sameynaa Qasa.” ayuu yiri Sanchez.

Madaxweyna Turkiga Erdogan ayaa isna sheegay inuusan sii socon karin iskaashiga NATO iyo Israel.

“Turkiye uma dulqaadan doono isku dayga NATO ee ah inay la shaqeeyaan Israa’iil, Suuragal ma aha in NATO ay sii wado iskaashi ay la yeelato Israa’iil.“ ayuu yiri Erdogan.

Hadaladan ayaa ku soo aaday, iyadoo shir madaxeedka NATO ee ka socda Mareykanka looga dhawaaqay in saldhiggii u horreeyay ay NATO ka sameysan doonto Jordan dalka Jordan, kaasoo la aaminsan yahay inuu taageerro militari iyo warbixinno amni siin doono Israa’iil, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada bariga dhaxe iyo galbeedka Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles