Saturday, August 8, 2026

NISA oo Muqdisho ku qabatay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay Sagaal xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Xubnahan ayaa ku howlanaa qorsheynta falal amniga lid ku ah oo ay doonayeen in ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Maleeshiyaadkan ayaa si dhuumaaleysi ah ugu sugnaa degmooyinka Garasbaaley, Kaxda iyo xaafado ka tirsan Ceelasha Biyaha.

Afar ka mid ah waxa ay ahaayeen shabakad isku xiran oo qorsheynaysay falal argagixiso oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, laguna qalqal-gelinayo amniga iyo xasilloonida caasimadda.

Sirdoonka Hay’adda NISA ayaa muddo si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqyada iyo qorsheyaasha xubnahan, waxaana dabagal iyo xog-ururin kaddib lagu guuleystay in mid kasta lagu qabto goobtii uu ku sugnaa, waxaana hadda ku socda baaritaanno, iyada oo kaddib loo gudbin doono Hay’adaha garsoorka si sharciga loo waafajiyo.

Hay’adda NISA waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed ee mar walba la wadaaga xogaha la xiriira khataraha amniga, waxayna markale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta badqabka muwaadiniinta.

Taliska NISA ma soo bandhigin sawirada iyo magacyada xubnaha ay sheegeen inay qabteen.

WARARKII KALE

Ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Gorgor oo tababar loogu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal...

Booliska Soomaaliland oo war ka soo saaray qaraxii ka dhacay Hargeysa

Xalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaa ka dhacay...

Xuutiyiinta Yemen oo qaaday weerar dhimasho badan sababay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay gobolka Marib...

Fahad Yaasiin oo ka falceliyay heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasin oo...

Iran oo ku baaqday in dalalka Muslimiintu midoobaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, ayaa sheegay in...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles