Friday, April 10, 2026

NISA oo sheegtay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa ku dhawaaqday in howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Hiiraan lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Biyo Madoobe ee hoostagta deegaanka Jicibow, halkaas oo saraakiisha NISA ay sheegeen inay sidoo kale burburiyeen gaari xamuul oo lagu raray rasaas fara badan.

NISA ayaa xaqiijisay in Jicibow uu yahay marin istaraatiiji ah oo muddooyinkan ay ciidamada amnigu adkeynayaan si loo yareeyo isku gudubka argagixisada ee u dhexeeya galbeedka iyo bariga Hiiraan.

Sidoo kale NISA ma soo bandhigin sawirrada iyo magacyada dadka ay sheegeen in lagu dilay howlgalkaas.

Maalmihii ugu dambeeyay, Taliska NISA ayaa beegsanayay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles