Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyey degaanka Jambaluul ee degmada Afgooye, gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo isu bedelay dagaal fool-ka-fool ah kadib markii ay iska hor yimaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo ciidamada.
Howlgalkan oo lagu beegsanayey godad iyo goobaha ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka diyaarinayeen weeraro qaraxyo ah, ayaa intii uu socday sababay iska horimaad culus oo sababay dhimashada tiro ka badan 12 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa sidoo kale keenay in waxyeelo ay soo gaarto dad rayid ah iyo labo askari oo ka tirsan Ciidanka NISA, kuwaas oo dowladda gacanta ku hayso daryeelkooda caafimaad.
Dowladda Soomaaliya waxay muujisay sida ay uga xun tahay waxyeellada soo gaartay dadka rayidka ah, waxayna xaqiijisay inay sii laba-laabi doonto howlgalada lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nabadda, hantida iyo dowladnimada dalka Soomaaliya.



