Taariikhda Fanaanada Shankaroon Axmed iyo Waayaheeda Fanka

Waxaa magaalada Boston ee dalka Mareykanka ku geeriyootay Alle ha u naxariistee Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal), oo ka mid ahayd haldoorka fanka Soomaaliyeed isla markaana si weyn looga yaqaanay gudaha iyo dibadda dalka.

Qoyska marxuumadda ayaa xaqiijiyay geerideeda, iyagoo sheegay in Sagal ay ahayd astaan ka mid ah fanaaniintii waaweynaa ee Soomaaliya, codkeedana uu ka mid ahaa kuwa ugu saameynta badnaa ee soo maray taariikhda fanka Soomaaliyeed.

Sagal waxay ku barbaartay magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku billowday jacaylkeeda fanka iyo heesaha. Bilowgii 1970-meeyadii ayay si rasmi ah ugu biirtay waayihii loo yaqaanay “dahabiga” ee fanka Soomaaliyeed, iyadoo ka mid noqotay kooxda caanka ah ee Waaberi, oo ahayd kooxda qaran ee fanka iyo hal-abuurka Soomaaliya.

Intii ay ku jirtay Waaberi, waxay door muuqda ka qaadatay horumarinta iyo faafinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, iyadoo codkeeda lagu xasuusto heeso taariikhi ah oo taabtay quluubta dad badan oo Soomaaliyeed.

Geerida Sagal ayaa lagu tilmaamay mid murugo weyn ku reebtay bahda fanka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan qurbe-joogta. Siyaasiyiin, hal-abuurayaal iyo fannaaniin ayaa ka tacsiyadeeyay, iyagoo ku tilmaamay “halyeyad faneed oo aan la ilaawi doonin.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay, isagoo sheegay in Sagal ay ahayd tiir weyn oo ka baxay fankii Soomaaliyeed, isla markaana ay ka tagtay dhaxal faneed oo sii noolaan doona jiilasha soo socda.

Marxuumadda waxaa lagu xusuusan doonaa codkeedii macaan, doorkeedii faneed iyo kaalintii ay ka qaadatay mideynta bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida.

WARARKII KALE

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

Maraykanka oo Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarneed

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles