Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hayโadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ku qabtay labo xubnood oo ka tirsanย Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka rasmiga ah ee NISA, mid ka mid ah xubnaha la qabtay ayaa ahaa horjooge qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka xubinta labaadna uu ahaa xubin sirdoon oo ka tirsanaa kooxda, kaasoo xog aruurin iyo qorsheynta dilalka qarsoon ka waday gudaha magaalada.
NISA waxay sheegtay in qabashada horjoogahan ay daba socoto digniin rasmi ah oo ay soo saartay 20-kii Luuliyo, taasoo lagu sheegay in uruurinta iyo bixinta lacagaha baadda ahi ay tahay maalgelin argagixiso, isla markaana ay ka hor imanayso sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah.
Taliska NISA ma soo bandhigin magaca labada xubnood iyo sawirada xubnaha la khaarijiyay