Tuesday, March 3, 2026

NISA oo war ka soo saartay howlgal ka dhacay Afgooye

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ku qabtay labo xubnood oo ka tirsan  Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka rasmiga ah ee NISA, mid ka mid ah xubnaha la qabtay ayaa ahaa horjooge qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka xubinta labaadna uu ahaa xubin sirdoon oo ka tirsanaa kooxda, kaasoo xog aruurin iyo qorsheynta dilalka qarsoon ka waday gudaha magaalada.

NISA waxay sheegtay in qabashada horjoogahan ay daba socoto digniin rasmi ah oo ay soo saartay 20-kii Luuliyo, taasoo lagu sheegay in uruurinta iyo bixinta lacagaha baadda ahi ay tahay maalgelin argagixiso, isla markaana ay ka hor imanayso sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

Taliska NISA ma soo bandhigin magaca labada xubnood iyo sawirada xubnaha la khaarijiyay

WARARKII KALE

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Dagaalka Bariga dhexe oo galay Maalintii afaraad

Iraan ayaa gantaallo horleh u riday dhanka Israa’iil, sida...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles