Oday da’a ah oo aano qabiil darteeda loogu dilay Caabudwaaq

Wararka ka imaanaya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka waaberigii halkaas lagu dilay Allaha u naxariistee Cabdi Ciise Qooleey, oo ahaa aqoonyahan iyo odey bulshada aad looga yaqaanay.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay inay ku weerareen marxuumka xilli uu ka soo baxay salaadda Subax, iyagoo dhowr xabadood ku dhuftay kadibna goobta ka baxsaday. Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah, weerarka kadib marxuumka ayaa goobta laga qaaday.

Wararka  ayaa intaas ku daraya in dilka uu la xiriirayo aano qabiil oo maalmihii u dambeeyay ka taagneyd degaano ka tirsan gobolka Galgaduud, taas oo sababtay xiisad soo kordheysa oo u dhaxeysa beelo halkaas wada dega.

Dilka Cabdi Ciise Qooley ayaa qeyb ka noqonaya kordhinta dilalka salka ku haya aanooyinka qabiilka ee kusoo badanaya deegaanada maamulka Galmudug, halkaas oo weli madaxda maamulka aanay ka hadlin kiisas dhowaan dhacay oo la mid ah.

Ehelada marxuumka iyo bulshada deegaanka ayaa ka naxay falkaas, iyagoo ugu baaqay dowladda iyo maamulka Galmudug in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo dilalka joogtada ah.

Wararka ka imaanaya Caabudwaaq ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay bilaabeen baaritaan, balse weli lama soo sheegin cid loo qabtay falkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles