Wednesday, January 14, 2026

Pakistaan oo sheegtay in ay riday Diyaarad ay leedahay Hindiya

Taliyaha Ciidamada Cirka ee Pakistan Zaheer Ahmed Babar Sidhu ayaa sheegay in habeenadii 6 iyo 7 May Pakistan ay soo rideen diyaarado badan oo ay ku jiraan diyaaradaha Rafale ee Hindiya.

Isagoo ka hadlayay xaflada qalin jabinta ee PAF’s Asghar Khan Academy oo ku taal Risalpur, wuxuu sheegay in markii madax banaanida Pakistan la loolamay habeenimadii May 6 iyo 7, ciidamada cirka Pakistan ay siiyeen jawaab ku haboon Hindiya oo ay soo rideen diyaaradahooda dagaalka ee ugu casrisan oo ay ku jirto Rafale.

Wuxuu sheegay in awoodda diyaaradda Rafale ay eber yihiin marka ay wajahaan ciidamada cirka Pakistan. Zaheeruddin Babar wuxuu yiri “Ciidanka Cirka Pakistan waxay la socdeen dhaqdhaqaaq kasta oo Hindiya daqiiqad gudaheed, ficilladeenna iyo hawlgalladeenna waxay caddeeyaan wax ku ool ah daqiiqad gudaheed, adduunka casriga ah ee maanta, Pakistan Air Force waxay ku qalabaysan tahay karti xirfadeed.”

Waxa uu yiri, “Dunidu ma aysan filaynin tan, laakiin wixii ay sameeyeen ciidamada cirka Pakistan, dunidu waa yaabtay.”

Taliyaha ciidamada cirka Marshal Zaheer Ahmed Babar Sidhu ayaa yiri, “Waxaan u geysan karnaa dhaawac intaas ka badan Hindiya, laakiin waxaan nahay ciidan xirfad leh, ficilladeenna waa kuwa la xisaabiyo, dheellitiran oo wax ku ool ah, annaga oo ujeeddadu tahay kaliya inaan nabadda ku helno si sharaf leh.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles