Puntland oo war qoraal ah saartay ayaa markale dowladda Soomaaliya ku eedeesay in ay qorsheeneyso hurin colaad, iyada oo lagu yiri qoraalka ” Madaxweynihii Hore ee dowladda Federaalka ah, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu weli ku howlan yahya abaabulka colaad ka dhan Puntland”, waxaana intaas lagu daray Puntland waxa ay si dhaw ula socotaa abaabullada
qorsheeysan ee uu Xasan Sheekh Maxamuud ka wado waxayna ka digaysaa qorshaha safarka Xasan Sheekh ku imaanayo Koofurta Gaalkacyo ee Galmud”. Puntland ayaa safarka ujeedkiisa ku sheegtay “mid looga golleeyahay in fidno iyo colaad looga abuuro magaaladaas”.
Dhanka kale Dowlad-goboleedka Galmudug oo warka ka soo baxay Puntland lagu soo hadalqaaday ayaa dhankooda ganafka ku dhuftay dhiillada colaadeed ee laga dardaarweriyey.
Wasiirka Madaxtooyada Galmudug Maxamed Faarax Talyaani oo BBC-da la hadlay ayaa beeniyey warka sheegaya in colaad laga abaabulayo magaalada Gaalkacyo, mar ka jawaabayey waxa uu yiri “waxaa rabaa inaa kuu caddeeyo in aysan sal iyo raad toona lahayn eedeymaha ay xambaarsan tahay, Galmudug waxa ay kamid tahay JDFS madaxweynaha guud ahaan dalka ayuu madax ka yahay, booqashadiisuna waxaa filayaa in aysan ahayn ceebeyn iyo hawlo kale la socdaan”.
“Gaalkacyo ma jiraan wax dhiillo colaadeed ah oo ka jira” ayuu hadalkiisa sii raaciyey, isaga oo sheegay in uu hadda ku sugan yahay isla magaalada, inkasta oo aysan BBC-du si madax bannaan u xaqiijin karin arrimahaas.
Dhanka booqashada ayuu wasiirku ka hadlay isaga oo tilmaamay in ay tahay mid aan wax shaqo ah ku lahayn waxa ay Puntland ku tilmaamtay. “Madaxweynaha booqashadiisu waxa ay la mid tahay kuwo uu uu tago meelo kale oo dalka, Galmudugna cid ay maanta marti uga tahay cidda inay maryigeliso madaxda qaranka oo ugu horreeyo madaxweynuhu in aysan jirin baa rabaa inaa kuu caddeeyo, xudduudaheeda iyo deegaannadeedana iyadaa ka Talisa”, ayuu yiri wasiir Talyaani.
Maaha warqaddii ugu horreysay ee kasoo baxday Puntland, waxaana jiray in dhowrjeer oo hore ay ku eedeysay dowladda in ay qeyb ka qaadaneyso dagaallo ka dhacay meelo kamid ah maamulkaasi.


